Ciidamada Yahuudda oo qof shacab ah ku toogtay Daanta-galbeed.
Wararka ka imaanaya dhulka Yahuudda xooga uga heysato Muslimiinta ayaa ku waramaya in ciidamada maamulka Yahuudda ay saaka toogteen wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka degan magaalada Naabulis.
Ciidamo Yahuud ah oo ku sugnaa Kontroolka Zactara oo dhaca afaafka hore ee magaalada Naabulis ee daanta-galbeed ayaa rasaas ku furay wiilkan dhalinyarada ah, iyadoo aysan jirin wax ay marmarsiyo uga dhigin karaan dilkiisa.
Inta badan ciidamada Yahuudda ayaa toogta dhalinyarada Filastiiniyiinta rag iyo dumar intuba, waxaana ay ku andacoodaan iney ka hortagayaan weerar ay damacsanaayeen iney fuliyeen balse arinkaas ayaa ah mid ay ku qarinayaan jariimadooda ka dhanka ah Muslimiinta.