Ciidamo Turki ah oo lagu laayay weerar ka dhacay dalkaas.

turk

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in barqinimadii maanta weerar xoogan lala eegtay ciidamo katirsan xukuumadda Turkiga, kuwaas oo ku socdaalayay bartamaha dalkaas,

Weerarka oo ahaa qarax xoogan oo lagu soo xiray Baabuur lagu baakimay dhinaca wadada ayaa waxaa lala eegtay baabuur kale oo bas ah oo ay la socdeen ciidamo farabadan oo dowladda katirsan.

Qaraxa oo ka dhacay afaafka hore ee Jaamacadda Arjiyaas ee gobolka Qaysari ayaa khasaaraha horudhac ah ee ka dhashay waxaa lagu sheegay dhimashada 13 Askari iyo dhaawaca 48 oo kale.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada la qarxiyay oo ahaa fasax ay doonayeen iney soo dukaameystaan kadibna ay aadaan reerahooda, waxaana qaraxu hor istaagay arinkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.