Dagaallo ka dhacay dalka Yemen oo Xuuthiyiin badan lagu laayay.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhexmareen gobolka Shabwah ciidamada xukuumadda Haadi iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya ciidamada Cali Cabdalla Saalax.

Dagaallada oo dhacay maalintii shalay ayaa ahaa kuwa xoogan, waxaana ay ka dhaceen degmada Bayaan ee gobolka Shabwah halkaas ay isku farasaareen xuuthiyiinta iyo kuwa Haadi Mansuur.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Yemen oo la hadlay wakaaladaha Reer galbeedka ayaa sheegaya iney dileen 28 Askari islamarkaana dhankooda  ay  ka dhinteen 12 Askari, waxaana uu intaa ku daray sarkaalkan iney gaareen horumaro ballaaran.

 

Dhanka degmada Biixaan ee dhacada  galbeedka gobolka Shabwah ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay dagaallo xoogan, waxaana ciidamada xukuumadda Haadi ay ku guuleysteen iney la wareegaan goobo istiraatiiji ah oo markii hore ay ku sugnaayeen Xuuthiyiinta Rawaafida ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.