Dalka Baxreyn oo ay ku kulmayaan dowladaha Khaliijka.

122016620590230

Maanta oo Arbaco ah waxaa caasimada dalka Baxreyn ee Al-Manaama ka furmay kulan ballaaran oo dhexmaraya madaxda wadamada Khaliijka, kulankaas oo ay uga arrisanayaan isbedellada Caalamka ka socoda iyo sidii ay u xajisan lahaayeen kuraasta madaxtinimada ee ay ku fadhiyaan.

Shirkan oo ah kii 37-aad ee ay yeeshaan dowladaha Khaliijka ayaa waxaa ka qayb galaya madax kala gedisan oo uu ku jiro Madaxweynaha Aala-Sucuud, madaxweynaha Qadar, Imaaraadka, Baxreyn, Kuweit iyo kuwa kale, iyadoona la sheegayo in dowladda Ingiriiska ay dhinac saddexaad oo kulanka ka qayb galaya ay tahay.

Madaxweynaha Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil Caziiz ayaa hadal horu dhac ah oo uu ka jeediyay furitaanka Shirka wuxuu ku sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee ay ka hadli doonaan ay tahay arinta Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.

Waxaaa la filayaa in shirkan uusan waxba ka duwanaanin kuwii isaga ka horeeyay ee dowladaha Khaliijku yeesheen, waxaana madaxda dowladahaas ay ku caanbaxeen hagaardaameynta shucuubta Muslimiinta ah ee ay xooga ku maamulaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.