DEG-DEG: Diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo la la’yahay.

Warbaahinta Ruushka noocyadooda kala duwan ayaa baahinaya khabarka ah in la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigtay diyaarad milliteri oo saaka kasoo kicitantay dalka Ruushka, kuna sii jeeday dalka Suuriya.

Diyaaraddan ciidan oo ay saaranyihiin kudhowaad boqol Ruux oo u badan ciidamo katirsan milliteriga Ruushka iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa la waayay daqiiqado kadib markii ay kasoo kicitantay garoon ku yaala dalka Ruushka, waxaana wijhadeedu ku beegneyd gobolka Allaadiqiyaha ee dalka Suuriya.

Wasaaradda gaashandhiga Ruushka war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay saaranyihiin 83 Askari iyo 8 qof oo ah shaqaalaha diyaaradda, waxaana laga cabsi qabaa in diyaaradan ay burburtay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.