DEG-DEG: Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo la dilay.

photo_2016-12-19_20-15-04

Waxaa goordhow magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga lagu toogtay safiirkii u fadhiyay Ruushka dalkaas.

Qof ku hubeysnaa Bastoolad ayaa rasaas ooda kaga qaaday Safiirka oo ka  hadlayay kulan ka socoday magaalada Ankara.

Safiirka ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana markaas kadib loola cararay cisbitaalka isagoona u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Ruuxa weerarka fuliyay oo ku hadlaya luuqadda Turkiga ayaa sheegay in weerarkan uu geystay uu Aargud u yahay Muslimiinta Xalab.

waxaa sidoo kale goobta lagu dilay Ruuxa dilka geystay oo ah qof dhalinyaro ah islamarkaana ku labisnaa dhar madow.

Weerarkan ayaa si aad ah looga hadal hayaa guud ahaan caalamka, waxaana uu kusoo beegmay iyadoo dowladda Ruuska gumaad ba’an  ka wado dalka Suuriya.

photo_2016-12-19_20-14-57photo_2016-12-19_20-15-04

 

You might also like
1 Comment
  1. abufatima says

    Afka lagama buuqee rag waa sidan astaan tiise
    Albaabada firdawsaad ha galo asadka noo aaray
    Aroor iyo hamayn baan sidii dumar u oynaaye
    Afkaa laga ilaashaa inaan gaal akeek naaye
    Argagixiso weeyey dhahaan muslim idayl koode
    Insaan uma yaqaanaan kufrigu ehelu tawxiide
    ururada xag jirahay dhahaan idil ahaan tiise
    Axkaam gaarahaan leenohoy nagu aqoodaane
    Ma astaahilaan bay dheheen nolol iftiin keede
    Iqtisaadna noomay ogola marag Ilaahaye
    Unadiyo asmaa bay baxsheen kuna ugaar taane
    Fiitay ansixiyaan wixi dano islaam kaahe
    Waa ay afjigayaan nin kaan uba sujudayne
    Albaab naarahaa lagu xiraa kaan aqbalin liide
    Irhaab lagu shabeeyaa nin kaan yeelin amar koode
    Ilaahow abaal kiis ka yeel altan firdawsa
    Aamiin ijaabiyo ducuu mudan asad ka noo aaray

Leave A Reply

Your email address will not be published.