Degdeg: Xeer Ilaaliyihii maxkamadda Milliteriga Puntland oo la toogtay.
War deg deg ah oo kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa sheegaya in goordhow sarkaal sare oo katirsan maamulka Puntaland lagu dilay magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobolka Bari.
Sarkaalka la dilay oo ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee maxkmadda milliteriga maamulka Puntland ayaa lagu magacaabaa Cabdi Kariim Xasan Firdhiye.
Rag hubeysan ayaa Xeer ilaaliyaha ku toogtay magaalada Boosaaso, goobta ayayna ka baxsadeen.
wixii kusoo kordha waan soo gudbin doonnaa Dhagaystayaal.