Dhageyso:Beesha Dir oo soo Xiratay Machad iyo Mas’uuliyiin Ka Qeybgalay.
Sadax Wullaad iyo Odayaal Dhaqan ayaa ku kulmay xaflad lagu soo xirayay machad mudo laba sano ufurnaa Beesha Dir.
Munaasabadda oo ka dhacday Dulleedka Magaalada Jammaame ayaa looga dhawaaqay in lasoo xiray Machadka Macalim Ibraahim oo ay wax ku barteen ubad kasoo jeeda beesha Dir oo laga soo qoray Degmooyinka Jilib,Jammaame,Kamsuume iyo Dhulka Ku Xeeran.
Waaliga Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo wilaayadiisa Marti loo ahaa Ayaa daah furay Munaasabadda,waxaana uu ardayda kula dardaarmay inay sii wadaan barashada Cilimiga.
Marxalada Wilaayaadka Maanta La marayo ee ku aadan Barashada Cilmiga ayuu Abuu Cabdala is dul istaagay.
Waaliga Shabeelaha Hoose Abuu usaama oo la siiyay kalimadiisa kaga aadan xaflada ayaa buriyay shubahaad laga sheego macaahida ay furanayaan qabaailaadka.
“Waxaad xanbaarteen mas’uuliyad waxaad tihiin culimadii Barito”ayuu ardayda ku yir waaliga Gedo sheekh Cabdiraxmaan isagoo qabaa’ilda kale ugu baaqay inay ku daydaan beesha dir.
Suldaanka Beesha Dir oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka hadlay ayaa sheegay machadka macalim Ibraahim ay furistiisa ku bixiyeen juhdi badan maantana ay gurteen mirihii kasoo baxay juhdigaasi.
Waxa uu umahadceliyay macalimiinta iyo odayaasha dhaqanka beesha Dir ee kaalinta weyn ka qaatay in lagu aflaxo machadka.
Ugu danbeyntii ardayda machadka ayaa isku soo duba riday bandhig ay ku farxeen waalidiintooda iyo kasoo qeybgalayaasha xaflada.