Dhageyso:Faa’iidada uu Leeyahay Geedka Baamiyaha.

%d8%a7%d9%84%d8%a8%d8%a7%d9%85%d9%8a%d8%a9-%d8%ab%d9%82%d9%81-%d9%86%d9%81%d8%b3%d9%83-1
Dalka Soomaaliya waa dal hodan ah oo allaah uu ku galadaystay nicmooyin aanan lasoo koobi karin.

Geedka Loo yaqaano Baamiyuhu wuxuu ugu horeeyaa geedaha lagu daaweeyo xanuunka macaanka, cilmibaarayaal tiro badan ayaa geedkaan xoogga saaray si ay uga salgaaraan qaabka uu macaanka ula dagaallamo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay mustaqbalka rajayn doonaan in baamiyuhu gali doono booska daawada kaniinnada sokorta loo qaato.

Baamiyuhu wuxuu kaloo yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano “Kolestaroolka” iyo xayrta fadhiisato jirka qeybihiisa kala duwan sida beerka o

Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, caloosha wuu jilciyaa, mindhicirradane wuxuu ku caawiyaa qashinsaarka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.

Baamiyaha waxaa ku jira maaddo hoos u dhigta cadaadiska dhiigga, maadadaan waxaa kaloo laga helaa saliidda saytuunka.

Dr Maxamed Mustaf Mascari ayaa faa’iido intaas ka badan ka sheegay baamiyaha ee hoos ka dhageyso.

Halkan Ka Dhageyso Faa’iidada Baamiyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.