Dhageyso:Puntland oo ugoodisay Ciidamadeeda Sababo Ku Aadan Weerarada Alshabaab.
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari waxaa ku batay weerarada ka dhanka ah saraakiisha Puntland ee ka imaanaya xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sadax ruux oo katirsan maamulka Puntland ayaa laba todobaad gudahooda lagu dilay Boosaaso lamana hayo raggii dilalkaa gaystay.
Xaalada Maamulka Cabdiwali Gaas ayaa meel xun maraysa, waxaana maamulku umuuqdaa carada uu uqabo xarakada alshabaab inuu kala dul dhacayo ciidamadiisa.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Puntland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan ciidamada udhaw goobaha alshabaab dilalka ka gaystaan.