Dhageyso:Sheekh Cali Dheere oo la dar daarmay Ciidamada Furumaha Jooga.
Afhayeenka xarakada mujaahidiinta alshabaab sheekh Cali Maxamuud Raage (sheekh cali dheere) ayaa dar daaran muhiim ah u jeediyay Ciidamadooda ku sugan furamaha dagaalka ee dagaalada fool ka foolka ah la gala shisheeyaha soo duulay iyo kaaliyaashiisa Soomaalida ah.
Waxa uu ka soo muuqday qeybta 22 aad ee sil siladda filimada xasuusta ah ee minadaakirah oo garabka warbaahineed ee xarakadu soo saaro.
Sheekh Cali Dheere ayaa la arkayaa asigoo u khudbaynaya ciidamo watta hub kala duwan iyo dharka tuutaha, waxaanuu ciidamada u sheegay in loo baahan yahay in ay oofiyaan balantii ay la galeen mujaahidiintii horay u shihiiday balankaasoo ahaa in diinta islaamka la difaaco cadawgeedana lala dagaalamo.
Afhayeenka ayaa askarta xasuusiyay jihaadka iyo qiimaha uu leeyahay iyo in aan wax goy kara la arag.
Wuxuu Ciidamada kula dar daarmay in iyagoo shisheeyaha la dagaalamaya geesta kalena ay diinta aad u bartaan si askari waliba daaci u noqdo.