Dhageyso:Xasan sheekh oo sheegay in aanay waxba ka quseyn Soomaalida Maraykanka ku Nool.
Madaxweynaha waqtgiisu idlaaday ee dowladda federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha cusub ee maraykanka Donald trump kaasoo ahaa in uu tilaabo ka qaadayo soomaalida maraykanka ku nool oo uu argagixso ku tilmaamay.
Xasan wuxuu ku dooday in soomaalida maraykanka joogta ay dhalashada dalkaas qaateen warka Donald trump sheegayna yahay mid Maraykan gudihiisa quseeya ee aanuu Soomaalida Soomaaliya joogta quseyn sida uu hadalka u dhigay.
Tani waxa ay Soomaalida qurbaha ku nool tuseyneysaa in dowladda federaalka ah ee sheegata in ay Soomaalida metesho aanay wax dan ah ka lahayn isla markaana ay difaaceyso go’aanada qallafsan ee mararka qaarkood dowladahaasi qaataan.
Xasan ayaa marar kala duwan tegay Maraykanka waxaana soo dhaweeyay Soomaalida qaxootiga ku ah qaarkood asigoo u sheegayay in ay dowlad leeyihiin xilna ka saaran yahay laakiin iminka ayuu si cad u sheegay in aanuu arimahooda shaqo ku lahayn.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA XASAN SHEEKH.
Kornayl Cabdulqaadir Axmed Nuur oo ka tirsanaa Saraakiishii Milaterigi Dowladdii Maxamed Siyaad Barre Hogaami jiray lana socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in warka Xasan Sheekh muujinayo in wakiil uu u yahay dowladaha shisheeye oo iyaga uu difaacayo halki uu difaaci lahaa dadka soomaaliyeed ee dulmanayaasha ah.
Korneylku wuxuu si qotta dheer uga hadlay gumeysiga dalku ku jiro iyo in dhammaan madaxda Soomaalida ah ee shisheeyeha ku daaban meesha loo keensaday in ay dalka iyo dadka haadaan ka ridaan.