Dhowr Ruux oo Filastiiniyiin ah oo ku dhintay xuduud beenaadka Filastiin iyo Masar.

1020151084454193

Ugu yaraan Afar Ruux oo Filastiiniyiin ah kana mid ah dadka ka shaqeeya godadka dhulka hoostiisa ka qodan ee qarsoodiga h kuwaas oo reer Filastiin ay u isticmaalaan in cunto iyo dawo ay marsadaan maadaama go’doon dhanka cirka iyo mid badda ahba uu saaranyahay sanado dhowr ah.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa sababay dhimashashadooda sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah oo dhanka Filastiin ah kadib markii ciidamada Masaarida ay biyaha badda ku fureen godka oo ay markaas ku dhex jireen Afar ruux oo katirsan shaqaalaha ka howlgala wax kala gudbinta.

Kooxaha difaaca madaniga ah oo isku dayay in maydadka dadkan kasoo dhex saaraan biyaha lagu hafiyay ayaa warbaahinta waxay u sheegeen in ay ku guuleysteen illaa iyo hadda iney helaan maydadka saddex Ruux iyadoona hal ruux ay weli la’yihiin.

Dowladda Masaarida ayaa kamid ah dowladaha ciijada ku haya shacabka dulman ee reer Filastiin, waxaana dhibaatadan ay sii darsatay markii uu talada dalka Masar xooga ku qabsaday hogaamiye kooxeedka Cabdi Fataax Siisi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.