Diyaarad dagaal oo lagu soo riday magaalada Xalab.

441
Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Xalab ayaa ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Nidaamka Bashaar Al-Asad taas oo isku dayaysay iney duqeyn fuliso.

Sida ay sheegayaan wararka aanu heleyno waxaa u suura gasho ciidamada difaaca cirka ee Mujaahidiinta iney saaruukh huwiyaan diyaaradda, islamarkaana ay sooo ridaan.
Warbaahinta Nidaamka Bashaar taageersan ayaa qiray in la soo riday diyaaradan ayna ku dhinteen labo duuliye oo diyaaradda kaxeynayay, kuwaas oo sawiradooda lagu faafiyay Internetka.
Diyaaradda la riday oo nooceedu yahay El39 ayaa waxay kusoo dhacday agagaarka cisbitaalka Indhaha ee magaalada Xalab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.