Diyaarad Militeri oo Ruusku leeyahay oo burburtay iyo dhamaan dadkii saarnaa oo dhintay.

Waaberigii saaka ayaa diyaarad nooca milliteriga ah oo ay leedahay wasaaradda dagaalka ee dowladda Ruushka waxay kasoo duushay garoonka magaalada Sotshi ee dalka Ruushka iyadoo kusii jeeda magaalada Laadiqiyah ee dalka Suuriya.

Diyaaradda waxaa saarnaa 91 Ruux oo 83 kamid ah ay yihiin ciidamada Booliiska ee sida milliteriga u tababaran, waxaana 8 kale ay yihiin shaqaalaha diyaaradda.

Warar warbaahintu tabineyso ayaa sheegaya in 83 Askari ay ku jiraan kooxa Muusigada garaaca oo hoostaga wasaaradda Gaashandhiga Ruushka, iyo wariyaal safarka ku wehlinayay ciidamadaas.

Daqiiqado kadib markii diyaaraddu kasoo duushay garoonka Sootshi ayaa laga waayay Raadeerka lagala socoda diyaaradaha, waxaana markii dambe la ogaaday iney ku burburtay badda madow ee dalkaas marta.

Dadka dhintay waxaa ku jira Saraakiil sar sare oo katirsan ciiidanka Ruushka, kuwaas oo jagooyin kala duwan hayay, waxaana dowladda Ruushku ay weli ka gaabsaneysaa bixinta macluumaad waafi ah oo ku aadan dhimashada burburka diyaaradda ka dhashay.

Wasaaradda Gaashandhiga waxay sheegtay iney heleen meydka hal ruux, iyo qalab ka dhacay diyaaradda, ayna socodaan baaritaanno ballaaran oo lagu doonayo in lagu helo maydadka dadka dhintay.

mas’uuliyiin katirsan maamulka garoonka ay diyaaraddu kasoo duushay ayaa la weydiinayaa su’aalo ku aadan diyaaradda, waxaana muuqata in uu jiro shakki ku aadan waxa keenay burburka diyaaradda.

You might also like
1 Comment
  1. Ibnu taymiya says

    Al xamdu lillaah ,ilaahay ayaa goor kastaba mahad leh ,waxaan ilaahay ku mahadinayaa maanta ilaaha intaasi oo ruush ah meel qudha ku diley ,kuwaasi loo laayey ummadda muwaxidiinta ah ee sunniga reer suuriya iyo musliminta reer shiishaan,ilaahay waxaan ka baryayaa inuu cadowga muslimiinta jabiyo meel kastaba.

Leave A Reply

Your email address will not be published.