Diyaaradaha Ruushka oo xasuuq ba’an ka gaystay gobolka Idlib.

%d8%b3%d9%88%d8%b1%d9%8a%d8%a7

Waxaa weli sii soconaya xasuuqa ba’an ee diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Bashaar AL-Asad ay u gaysanayaan Muslimiinta ku nool dalka Suuriya, iyadoona maalin kasta lasoo wariyo duqeymo naxdin badan.

Maalintii shalay oo Axad ahayd waxaa duqeymaha ugu khasaaraha badnaa ay ka dhaceen gobolka Idlib, kaas oo marti geliyay duqeymo wuxuushnimo ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Nidaamka.

Diyaaradaha Ruushka ayaa si ula kac ah waxaya u duqeeyeen suuqa Qudaarta ee magaalada Macarratu-Nucmaan oo katirsan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Idlib, waxaana halkaas ay ku dileen tobanaan ruux oo u badnaa dad dukaameysanayay.

Sidoo kale xarumo caafimaad iyo waliba Xafiisyo ay leeyihiin kooxaha difaaca Madaniga oo ku yaalay magaalada Kafarnabal ee gobolka Idlib ayaa si ba’an loo duqeeyay, waxaana lasoo wariyay iney jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka Muslimiinta.

Inta haatan la hubo waxaa maalintii shalay duqeymaha ka dhacay gobolka Idlib ku shahiiday 60 Ruux oo isugu jira rag, dumar iyo Caruur intuba, waxaana intaas dheer tobanaan qof oo dhaawac ah.

Muslimiinta Shaam ayaa la halgamaya nidaam dhaa’ifi ah oo helaya taageero nooc waliba ah, waxaana dagaalka Suuriya ee socoda shanta sano uu yahay mid aan kala joogsi lahayn oo Mujaahidiinta iyo ehelkoodaba ay hurayaan dhiigooda si loo hor istaago admaacda Rawaafida ee ah qabsashada dhulka Shaam.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.