Donalad Trump oo eedeymo culus u jeediyay Obama.

Iyadoo maalma qur ah ay ka harsanyihiin kala wareega madaxweynaha Maraykanka Obama iyo Donalad Trump oo loo doortay hogaaminta Maraykanka ayaa waxaa muuqanaya khilfaad u dhexeeya labada madaxweyne.

Donald Trump oo ku caan ah siyaasadda qallafsan ayaa eedeymo dusha kala dhacay madaxweynaha Maraykanka Obama, wuxuuna ku eedayay inuu carqaladeynayo kala wareejinta xilka.

Wuxuu sheegay in Obama uu ka filyay in wax badan uu fududeeyo, dhankiisa uu inbadan sabray balse uu haatan arkayo carqaladeyn xoogan oo uga imaaneysa dhanka maamulka Obama.

Mar uu soo hadal qaaday qaraar dhawaan golaha Amaanka waxa loogu yeero uu ku diiday deegaameynta ay Maamulka Yahuuddu ka wadaan dhulka Filastiin ayuu sheegay in Yahuudda la dayacay, balse wuxuu ugu laab qaboojiyay in 20 January ay dhowdahay kolkaas oo ah marka uu la wareegi doono aqalka cad.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.