Iiraan: Xalab waa difaaca koowaad ee kacdoonka Iiraan.
Dowladda Shiicada ah ee Iiraan oo kumanan dagaalyahanno ah ay ka joogaan dalka Suuriya kuwaas oo ka garab dagaalamaya ciidamada Ruushka iyo kuwa Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa ku faaneysa barakicinta ay ku heyso Muslimiinta Ahlu sunnaha ah.
Hogaamiyaha guud ee ciidanka kacaanka Iiraan ninka lagu magacaabo Muxamed Cali Jacfari ayaa si cad u sheegay in dagaalka ka dhacay magaalada Xalab ayna kula wareegeen uu yahay mid lagu difaacayo kacaanka Iiraan.
Wuxuu sheegay hogaamiyahan shiiciga ah isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Dahraan in kacdoonka Iiraan uu gaaray horumar ballaaran kadib markii difaaca koowaad uu ka dhigtay magaalada Xalab.
Jacfari ayaa sheegay in cadowga Iiraan uu horey isugu dayay inuu hor istaago in kacdoonka Iiraan loo sii gudbiyo wadamo ka baxsan Iiraan, balse wuxuu sheegay iney ku guul dareysteen islamarkaana ay arimuhu si ka duwan qaabka ay wax u filayeen.
Hadalkan ayaa muujinaya sida dowladda Iiraan uga go’antahay la wareegitaanka dalalka Muslimiinta gaar ahaan kuwa Carabta ee ay dagaallada adag ka wado, waxaana muuqata in si qasab ah ugu guuleystay in dalal badan oo islaam ah ay la wareegto taladooda, waxana kamid ah wadamadaas dalka Ciraaq, Lubnaan, Suuriya, Yemen, waxaana ay qorsheyneysa in kuwa hor leh ay cagta dhigto.
Xukaamta dabadhilifka u ah dowladda Maraykanka ayaa moogan qorshahaas ay wado Iiraan, waxaana qatartaas dareemaya oo kaliya Mujaahidiinta oo u taagan difaaca dhulka Muslimiinta ah iyo tiro yar oo kamid ah caamada Muslimiinta balse aan weli haleelin difaacyada Mujaahidiinta.