Imaarada Islamiga ah oo war kasoo saartay Xasuuqa ay la kulmayaan Muslimiinta Baarma.
Iyadoo dhawaanahan ay la kulmayeen Muslimiinta Barma dhibaatooyin kala gedisan oo uga imaanaya Xukuumadda Buudiga ah iyo malleeshiyaad ay iyadu dhistay ayaa waxaa arinkaas ka hadlay Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan.
Bayaan kasoo baxay Imaarada oo lagu faafiyay Internetka ayaa lagu sheegay in Muslimiinta Rohingiya ee tirada yar loo dhibaateynayo oo kaliya iney Muslimiin yihiin, islamarkaana Allah si dhab ah u caabudayaan.
Imaarada Islaamiga waxay ugu baaqday guud ahaan Umadda Islaamka inaan loo kala harin u hiilinta Muslimiinta Baarma qaab waliba oo loo awoodo, iyadoona sheegtay inaan la suganin dowladaha sheegta Insaaniyadda oo ay cadahay cida ay la safanyihiin.
Imaaradu waxay ugu baaqday hay’aadka Islaamiga ah ee ka jira Caalamka Islaamka iney u gurmadaan Muslimiinta Baarma lagu dhibaateynayo, islamarkaana Umadda lagu dhiirageliyo arinkaas.
Muslimiinta Baarma ayaa ah nabar ku yaala jasadka Umadda, waxaana ay kamid yihiin Muslimiinta ugu daran ee sida xoogan loogu dhibaateynayo dunidan aynu ku noolnahay