Korneyl Cabdulqaadir “Xasan sheekh in maxkamad la soo taago ayuu mudan yahay”

xasan-sheekhKorneyl Cabdulqaadir Axmed Nuur oo ka mid ahaa saraakiishii dowladdii Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa ayaa sheegaya in xasan Sheekh Dhaqaale badan lunsaday mudadkii uu xilka hayay asigoo iibsaday buu yiri dhul dan guud ah iyo mid shaqsiyaad leeyihiin intaba.

Wuxuu sheegay in  uu Xasan mudan yahay in maxkamad la soo taago ee aanuu astaahilin in mar kale xil loo dhiibo.

Mar wax laga waydiiyay warka xasan sheekh ee la xariiray shacabku ha u gurmaadaano shacabka roobyaraantu hayso xilli asigu aanuu shilin ku deeqin wuxuu tilmaamay haddii dowladu jirto in xil ka saaran yahay in ay dadka u gurmato laakiin Soomaaliya iminka aanay dowladu ka jirin waxa joogana aan dowlad lagu tilmaami Karin.

Korneyl Cabdulqaadir ayaa ku baaqay in lala dagaalamo shisheeyaha dalka ku soo duulay iyo kaaliyaashiisa Soomaalida ahba oo laga shaqeeyo sidii afka ciidda loogu dari lahaa.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Korneyl-Cabdulqaadir.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.