Madaxweynaha Afgembiga Masaarida Siisi oo xilka ka qaaday Saraakiil sar sare.

441-4

Cabdi Fataax Siisi madaxweynaha xooga kula wareegay talada dalka masar ayaa soo saaray awaamiir uu xilka kaga qaadayo saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada Masaarida.

Saraakiisha amarkan soo baxay xilkooda ku waayay waxay kala yihiin Usaama Rabiic oo ahaa Taliyaha ciidamada badda Masaarida, iyo Cabdil Muncim Al-Taraas oo isguna ahaa Taliyaha ciidamadda cirka ee xukuumadda Afgembiga Masar.

Waxaa labada nin ee xilalka laga qaaday booskooda lagu wareejiyay saraakiisha kala ah Axmed Khaalid oo loo dhiibay hogaaminta ciidamada badda ee Masar, iyo Cali Fahmi oo isna loo magacaabay taliyaha ciidamada Cirka.

Isbedelkan cusub ee lagu sameeyay qeyb kamid ah hogaanka Milliteriga Masar ayaa muujinaya cabsida xoogan ee uu dareemayo Siisi ee ku saabsan cabsi uu ka qabo in afgembi lagu sameeyo sida isagaba uu ku sameeyay madaxweynihii ka horeeyay ee Muxamed Mursi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.