Madaxweynaha Maraykanka oo weerar afka ah ku qaaday Qaramada Midoobay.
Ninka ku guuleystay madaxtinimada dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday ururka la magac baxay Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, kaas oo ka kooban inta badan dowladaha caalamka.
Donald Trump ayaa aad uga carooday go’aan dhawaan kasoo baxay Fadhi ay yeesheen Qaramada Midoobay kaas oo ay kaga soo horjeestay deegaameysiga Yahuuddu ka wadaan dhul hor leh oo katirsan dalka Filastiin.
Donald Trump wuxuu ku tilmaamay qaramada Midoobay iney tahay meel ay usoo shir tagaan hogaamiyaal doonaya iney fadhi ku diriraan, wuxuuna ballan qaaday in wax badan uu ka bedeli doono Qaramada Midoobay marka uu si rasmi ah ula wareego xafiiska Aqalka Cad.
Trump oo caan ku ah islamarkaana aan qarsan nacaybka Muslimiinta ayaa ballan qaaday in safaaradda Maraykanka ay ku leedahay magaalada Talla’biib uu ka dhigi doono magaalada Al-Qudus, isagoona dhanka kale qaraarka Qaramada Midoobay ku tilmaamay inuu yahay mid laga xumaado.