Malleeshiyaad katirsan kooxda Xaftar oo lagu laayay dagaallo ka dhacay magaalada Banqazi.
Magaalada Banqaazi ee dalka Liibiya ayaa marti gelineysa dagaallo xoogan oo dhexmaraya Mujaahidiinta Golaha Shuurada iyo malleeshiyaadka Xaftar oo doonaya iney la wareegaan guud ahaan magaalada.
Dagaallada ka socoda magaalada ayaa ah kuwa aad u xoogan oo marba xaalad kale galaya, waxaana magaaladu ay tahay mid go’doonsan oo la kulmeysa dhibaatooyin kala gedisan oo ay ugu horreyso duqeymo aan loo meel dayin oo diyaaradaha Xaftar, Imaaraadka iyo kuwa Faransiiska ay ka geystaan.
Dagaallo ka dhacay mandiqadda Qanfuuda ee magaalada Banqaazi maalintiii shalay waxaa lagu soo waramay in lagu dilay Saraakiil ciidan oo katirsan malleeshiyaadka Xaftar, waxaana Mujaahidiintu ka hortageen isku dayo Malleeshiyaadku ku doonayeen iney kula wareegeen fariisimo Milliteri.
Ugu yaraan 13 katirsan Malleeshiyaadka Xaftar ayaa lagu dilay dagaalka oo ay Mujaahidiintu aad u adeegsadeen miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana kamid ah dadka dhintay 3 Sarkaal.
Dagaalka ka socoda magaalada Banqaazi ah ayaa ah mid sanado socoda, waxaana Mujaahidiinta iyo shacabka magaaladaas ay isku ballansadeen iney difaacdaan magaaladooda.