Malleeshiyaadka Nusayriyada oo Xasuuq wadareed ka wada magaalada Xalab.

b3867940-c420-4fea-a3fa-452fbdc771fb

 

Magaalada Xalab ee dalka Suuriya oo ay ka soconayaan dagaallo u dhexeeya Mujaahidiinta iyo kacdoon wadayaasha oo dhinac ah iyo isbaheysiga Rawaafida iyo Ruushka ayaa waxaa laga soo sheegayaa arimo naxin badan.

Malleeshiyaadka Nusayriyada oo kaabaya kuwa Rawaafida islamarkaana helaya taageero dhanka cirka ah ayaa lagu soo waramayaa in dagaallo dhacay gelinkii dambe ee maalintii shalay ay taqadum lataban karo kusoo sameeyeen, waxaana ay la wareegeen xaafado dhowr ah oo dhaca magaalada Xalab.

Xaafadaha ay la wareegeen Nusayriyada iyo Rawaafia oo iskaashanaya waxaa kamid ah Al-Firdow, Al-Saalixiin iyo Bustaanul Qasri, iyagona xaafadahaas ka geystay xasuuq wadareed ay kula kaceen dadka Muslimiinta ah ee deganaa xaafadahaas.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo kasoo waramaya gudaha magaalada, waxay malleeshiyaadka Nidaamka iyo kuwa Shiicadu si muuqata u toogteen kudhowaad 100 ruux oo ah Ahlu sunnaha Muslimiinta ah ee magaalada ku sugnaa, waxaana tallaabadaas ay qayb ka tahay cadaawada fog ee Shiicadu u qabaan Muslimiinta, waxaana laga digayaa in haddii Rawaafidu sii wadaan Taqadumka ay geystaan xasuuq kan ka fool xun.

Xaafadaha Salaaxu-diin, Sayfu-dowlaha iyo Al-Caamiriyah ayaa haatan waxaa ka soconaya dagaalka u dhexeeya Mujaahidiinta iyo Rawaafida, waxaana taqadumkan xowliga ah ee ay soo sameeyeen Malleeshiyaadka Nidaamka loo sababeeyay duqeymo aan loo meel dayin oo magaaladu la kulantay maalintii shalay.

Kooxaha difaaca madaniga ah ee ka howlgalaya magaalada Xalab ayaa soo sheegaya in maydadka ay buux dhaafiyeen wadooyinka, halka qaarkoodna ay ku hoos jiraan guryaha soo dumay, waxaana maydadka iyo dhaawacyadu ay ka tanbateen awoodda kooxaha difaaca madaniga.

Xaalka Xalab ayaa ah mid aad u xanuun badan, islamarkaana ka dhigan qayb kamid ah jirka Umadda oo dhiigaya, waxaana Allah uga baryeynaa reer Xalab inuu ka dul qaado dhibaatada iyo culeeska ay dareemayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.