Muqdisho iyo Nolosha Murugada leh.(Maqal)
Dadka ku nool magaalada muqdisho waxay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin badan oo kaga imaanaya dowladda federaalalka ah iyo ciidamadeeda iyo kuwa shisheeye.
Shacabku waxay la kulmaan xarig, handadaad, dhac, kufsi iyo dhibatooyin kale intaba iyadoo aanay jirin meel loo dacwoodo ama si cadaalad ah la isugu gar qaadayo.
haweeney ku nool caasimadda oo magaceeda aanu sababo amni u qarinay waxay tilmaamaysaa in dowladda federaaalka ah iyo iyo ciidamadeedu yihiin kuwo aakhiro moog ah amaba u dhaqmaya sidii in aanay dhimaneyn oo kale.
Waxay tilmaantay in aanay jirin wax ay ka dhowrsanayaan haba yaraadaane isla markaana ay dhaca, kufsiga iyo xarigu yihiin waxa ay ku caano maalaan ama ay ku shaqeystaan.
Waxay nimanka muqdisho jooga ee la dulleysanayo ugu baaqday in wax kale haddii aanay u dagaalameyn ay naftooda difaacdaan.