Muslimiinta Xalab oo xaaladoodu cakiranyahay, iyo Muslimiinta caalamka oo arinkaas isaga aamusan.

czlrjbuxeaadnze

Magaalada Xalab oo maalintii shalay ay inteeda badan soo galeen malleeshiyaadka Nusayriyada iyo kuwa Shiicada ah ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalad cakirnan ah, waxaana go’doonan kumanaan Ruux oo Muslimiiin ah oo isugu jira rag, dumar, Caruur iyo tobanaan ruux oo dhaawacan.

Dhanka bari ee magaalada Xalab oo ah goobta ay dhibaatadu ka taagantahay ayaa waxaa gebi ahaanba go’an biyaha iyo korontada, waxaana sidoo kale jirin dhaq-dhaqaaq ganacsi, magaaladuna waxaad moodaa iney tahay goob uu dhul gariir ka dhacay burburk awgeed.

Warbaahinta qaar ayaa tabinaya inuu socoda wadahadallo lagu doonayo in dadaka shacabka ah looga soo saaro magaalada go’doonsan, balse ma jiraan ilo lagu kalsoonaan karo oo arinkaas xaqiijiyay marka laga soo tago warbaahinta qaar oo soo xiganaya dad ku sugan gudaha Suuriya.

Shalay oo keliya ayay Malleeshiyaadka Nidaamku ku dileen magaalada Xalab kudhowaad boqol ruux oo si bareer ah ay u toogteen, waxaana haddii ay u suuragasho iney galaan xaafadaha kale hubaal ah iney geysan doonaan tacadiyaad intan kabadan.

Kufsiga hablaha cafiifaadka ee reer Xalab ayaa si aad ah loo soo tabinayaa, waxaana malleeshiyaadka Shiicada ay gabdhaha Muslimaadka u arkaan iney yihiin sabaayaad ay u banaantahay iney kufsadaan.

Mid kamid ah gabdhaha Muslimaadka ee magaalada Xalab oo fariin soo dhigtay barta internetka ayaa sheegtay in saacadaha soo socoda ay guriga ay ku jiraan ay soo geli doonaan malleeshiyaadka Shiicada, ayna qorsheyneyso iney is disho.

Waxay intaa ku dartay fariintan oo ah mid qalbiga murug dheeraad ah ku abuureysa in ay ogtahay in sheyga kaliya ee ay isku waafaqi doonaan culimada ay tahay in qofka is dila uu naar galayo, waxaana meeshaas kaaga cad in dadka sheeganaya culimada Muslimiinta iney iska indha tireen qadaayaadka ugu weyn ee Muslimiinta heysta.

Midkood ayaa bartiisa Twitterka kusooo qoray iyadoo la xasuuqayo Reer Xalab aadaabta Raashiinka, iyo waxa uu oranayo marka qofka ay ka dhacdo cunto uu gacanta ku haysta.

Waa Zaman sidaas ah oo ay dadkii u nasab sheeganayay Iney yihiin kuwii dhaxlay Anbiyada ay sidaas u dhaqmayaan ayna iska illoobeen qeyb kamid ah jirkooda oo dhibaato daran la kulmeysa.

You might also like
1 Comment
  1. Ibnu taymiya says

    Somalida ayaa ku maahmaahda Rag waxaa ugu liita calooshii la ciyaar iyo ciil kama kore ,Dumarna casarkii seexato iyo cirteed bogato. oo macanaheedu yahay ninka ragu inaanu rago lahayn hadii uu khaldkiisa aanu baran ee uu ku celcelliyo ,iyo inaanu ragu ku wanaagsanay inuu marka dhargo inuu sida dameerka uu qayliyo. Hadaba nimanka maanta waddamada muslimiinta haystaa waa wada ciil kama kore miidhan ,iyo calooshii la ciyaar ,iyaga iyo culimaa u suuga u shaqeeyaaba , ba u fiirso qaarkood waxay ka sheekaynayaan cuntada iyo edaabteeda dadkiina reer xalabna way dhaminayaan ,halkii ay ummada jihaad u iclaami lahaayeen ayey cunto ka sheekaynayaan edaabteeda . ilaahay idin doori . reer Xalab ilaahay waxaan uga baryayaa in ilaahay imtixaanka ka saaro si dhakhso ,cadawga gacan bir ah uu ku qabto.

Leave A Reply

Your email address will not be published.