Nidaamka Suuriya oo kordhiyay duqeymaha uu ka wado duleedka magaalada Dimishiq.
Nidaamka daa’ifiga ah ee uu hogaaminayo Bashaar Al-Asad ayaa wada gumaad ba’an oo ka dhan ah dadka Ahlu sunnaha ee dega dhulka Shaam, waxaana gumaadkaas ku gacan siinaya dowladaha caalamaka intooda badan haba ugu badnaadaane Iiraan iyo Ruushka.
Muda laga joogo shan maalmood oo xiriir ah ayaa diyaaradaha Nidaamka waxay duqeymo aan kala joogsi lahayn kawadaan magaalada Waadi Bardi iyo deegaannada hoos yimaaada oo dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Duqeymaha oo ah kuwa aan kala joogsi lahayn islamarkaana si cashawaa’i ah u beegsnaya goobaha dadweynaha ayaa sababay in guud ahaanba ay shaqada joojiyo mid kamid ah ceelasha biyaha ee dadka magaalada ay ka biya cabi jireen, waxaana laga dayrinayaa xaaladda dadka.
Nidaamka ayaa doonaya in guud ahanba uu kasaaro magaalada Waadi bardi kacdoon wadayaasha, maadaama magaalada 18KM oo kaliya u jirto magaalada Dimishiq oo ah magaala madaxda dalka Suuriya.
Dadka deegaanka iyo kacdoonwadayaasha ayaa diidan iney ka baxaan magaalada, waxaana ay sheegayaan iney is difaacayaan islamarkaana magaaladooda ku sugnana doonaan illaa ay kawada dhintaan.