Qaraxyo ka dhacay dalka Turkiga oo khasaare badan geystay.

turk

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa ku waramaya in labo qarax oo waaweyn ay ka dhaceen afaafka hore garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo ku yaala magaalada Istanbuul oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn d alkaas.

Sida ay sheegayaan Saraakiisha Amaanka xukuumadda Turkiga oo la hadlay warbaahinta, waxaa mid kamid ah qaraxyada loo adeegsadya gaari miineysan oo lagu hor baakimay garoonka oo ay xilligaas ka socotay ciyaar dhexmareysa laba kooxood oo ka dhisan dalkaas.

Qaraxa koowaad oo ah midka ugu khasaaraha badan waxaa ku dhamaaday askar katirsan ciidamada Booliiska oo goobta ku sugnaa, waxaana sidoo kale jira dhaawayco kabadan boqol ruux oo goobta ay waxyeello ay kasoo gaartay.

Qaraxa labaad waxaa lala eegtay ciidamo katirsan Booliiska gaar ahaan kuwooda ka hortaga sida la sheego dhibaatooyinka.

Inta haatan la hubo waxaa weeraradaas ku dhintay 29 Ruux, halka inkabadan 160 kale ay ku dhaawacmeen, waxaaaa suuragal ah in khasaaruhu intaas ka bato maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.