Rabshado ka taagan dalka Congo oo dad badan ay ku dhinteen.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa waxaa ka socoanay iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada Amaanka iyo taageerayaasha Mucaaradka dalkaas oo kasoo horjeeda in talada dalkaas uu sii hayo madaxeynaha mudada dheer ku fadhiya kursiga Madaxtooyada.
Magaalada Kinshasa oo ah caasimadda dalka ayaa maalintii shalay waxaa ka dhacay iska hor imaadyo balllaaran oo u dhexeeya Booliiska iyo dadka shacabka ah, waxaana Booliisku ay si toosa ah u adeegsanayaan rasaasta nool nool, iyagoona isku dayaya iney kala eryaan dadka isku imaanaya.
Jozev Cabila madaxweynaha dalkaas ayaa diidan inuu ka dego kursiga madaxtinimada dalkaas, waxaana taas uu ka xigaa inuu daadiyo dhiiga boqolaal Ruux oo dadkiisa ah.
Ugu yaraan 26 Ruux oo kamid ah shacabka banaan baxayay ayaa dhintay, halka kuwa kalana iyagoo dhaawacan la dhigay cisbitaallada.
Sida ay sheegayaan hay’adaha sheegta xuquuqda Insaanka waxaa xabsiga la dhigay tobanaan Ruux oo kamid ah dadka dibad baxyada dhigayay, waxaana la ogeyn waxay ku dambeyn doonto xaaladooda, iyadoona hay’adahan ay ka digayaan in dowladdu ku kacdo tallaaabooyin ka dhan ah shacabka oo dad badan ay ku dhiman karaan.