Sarkaal sare oo lagu dhaawacay Boosaaso iyo Qaraxa ka dhacay Muqdisho.

qarax

Magaalada Boosaaso ayaa barqinimadii maanta waxaa lagu weeraray Sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Puntland.

Rag hubeysan oo la sheegay iney aad u feejignaayeen ayaa weeraray Gaashanle dhexe Jaamac Saxardiid Cabdi oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska maamulka Puntland, waxaana ay dhowr xabadood oo rasaasta Bastoolada ah kala dhaceen qeybo kala duwan oo jirkiisa.

Durba waxaa halkaas dhaawac culus uu kasoo gaaray Saxardiid oo loola cararay Cisbitaallada magaalada Boosaaso oo haatan lagu dabiibayo, waxaana taliyaha lagu dhaawacay agagaarka hotel Madiina ee magaalada Boosaaso.

Dhanka kale Qarax xoogan oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana qaraxan oo aan la ogeyn noociisa lagu soo waramayaa in Saraakiil katirsan Booliiska dowladda Federaalka ay ku dhaawacmeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.