Sarkaal sare oo Ruush ah oo lagu dilay magaalada Xalab.

441

Dagaalka ka socoda magaalada Xalab ayaa waxaa si xoogan loogu dhiig bixinayaa ciidamada iyo Saraakiisha Ruushka ka jooga dalkaas Suuriya, waxaana dhawaanahan dowladda Ruushka ay si toos ah u iclaamisay ciidamo looga dilay dalkaas.

Haatan ciidamada Ruushka ayaa shaaciyay in Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Ruushka ee ku sugan magaalada Xalab la dilay, kadib markii Mujaahidiinta ka howlgaleysa Xalab ay duqeeyeen goob uu ku sugnaa Sarkaalka iyo ciidamo kale.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Raslaan, waxaana maalintii Isniinta lagu dhaawcay furimaha dagaalka ee magaalada Xalab, iyadoona la dhigay cisbitaal balse goor dambe ayuu quur baxay.

Sarkaalka la dilay ayaa ahaa nin ku takhasusay ku dagaalanka Dabaabaadka, waxaana dilkiisa ay khasaare toos ah ku tahay dowladda Ruushka oo duulaan dhan waliba ah kusoo qaaday dalka Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.