Shabeelaha dhexe sidee looga arkaa gaadiidkda shisheeyaha looga gubay?(Maqal)
Shalay iyo dorrraad afar gaari ayaa ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi looga gubay inta u dhaxeysa miir taqwo iyo biya cadde oo gobalka shabeelaha dhexe ka tirsan, iyadoo la aaminsan yahay askartii saarneyd in ay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaareen.
Bulshada ku dhaqan gobalkaasu waxay tilmaamayaan in ay ku faraxsan yihiin jabka iyo qasaaraha gaaray ciidamadaan dhibaatada gobalka iyo bulshada ku dhaqan ku haya.
Abwaan Taakoow Macalin Ciise oo ka tirsan dadka gobalka degan ayaa wareysi ay xalay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu ku sheegay in ay ku farxeen waxa gobalka ka dhacay ee ah waxyeelada shisheeyaha la gaarsiiyay.
Wuxuu tilmaamay in ciidamada soo duulay loogu tala galay in ay dhibaateeyaan dadka iyo deegaanka asigoo dhanka kalena si qota dheer uga hadlay ciidamada soomaalida ah ee shisheeyaha garab iyo gaashaan u ah.