Sidee loo arkaa kala xirnaanshaha magaalada Gaalkacyo?(Maqal)
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kala xiran wixii ka damabeeyay dagaaladii dhex maray maamulada Puntland iyo Galmudug waxaana meesha ka baxay ganacsi badan oo ay wadaagi jireen bulshada magaalada ku nool.
Dhagxaan iyo jawaano carro laga buuxiyay ayaa ku go’an halka dadka ku nool labada waaxood ee magaaladu u kala qeybsan tahay isaga gudbi jireen.
Ciidamo labada dhianc kala taabacsan oo colaad qabyaaladeed uurka uga buuxdo ayaa jooga meelo isu muuqda oo magaalada gudaheeda ah kuwaasoo dhibaatada jirta qeyb weyn ka ah.
Nabadoon Cabdulaahi Axmed Faarax (kufri-diid) oo gaalkacyo ka soo jeeda ayaa wareysi ay la yeelatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxa uu ku sheegay in labada mamaul ee Gaalkacyo ka taliyo yihiin kuwo gumeystaha u adegaya.
Waxa uu bulshada halkaa ku dhaqan ugu baaqay inay dhexda u xirtaan dagaal ka dhan ah maamuladaan shisheeyaha danihiisa ka shaqeynaya.