Tobanaan Ruux oo ku dhintay dalka Kenya, kadib markii ay qaraxday Booyad Shidaal.

441

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Kenya, waxaa meel u dhow magaalada Nairoobi ku dhintay Tobanaan Ruux kadib markii ay qaraxday booyad shidaal oo ku safareysay wado isku xirta Nairoobi iyo dalka Uganda.

Goob joogayaal la hadlay Warbaahinta waxay xaqiijiyeen in Booyad shidaal oo mareysay magaalada Kaaraay ee u dhow Nairoobi ay wadada ka baxday, islamarkaana darawalka kaxeynayay Booyadda uu awoodi waayay inuu xakameeyo, taas oo sababtay iney wadada ka baxdo islamarkaana jiirto Gawaari hareeraha wadada ku baakimnaa.

Booyadda oo shidaal waday ayaa markii ay wadada ka baxday islamarkaana ku dhacday gawaari badan waxay sameysay qarax xoogan, iyadoona holaca uu is qabsaday guud ahaan goobta, waxaana halkaas ku geeriyooday dad aad u farabadan oo saarnaa Gawaarida a booyadu jiirtay.

Askari katirsan Booliiska oo ku sugnaa goobta ayaa u sheegay wakaaladaha Caalamka in waxay dhacay ay ahaayeen arin argagax badan, ayna arkeen dad nool oo gubanaya islamarkaana quur baxaya.

Haweeney iyaduna mehrad ganacsi ku lahayd hareeraha wadada uu shilku ka dhacay ayaa sheegtay in dhacdada ay u ekeyd sida filim argagax badan oo la daawanayo ayna isku dayday iney caawiso dadka gubanaya balse ay awoodi kari waysay.

Int haatana la shaaciyay 33 Ruux ayaa ku dhimatay qaraxan ay sameysay Booyadda Shidaalka, waxaana jira dad dhaawacan oo ku jira cisbitaallo ay gacanta ku hayso hay’adda Laanqeyta cas.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa ka dhaca inta badan dalka Kenya, waxaana ugu wacan in darawallada gawaarida kaxeynayay aysan Aqoon wanaagsan u lahayn kaxeynta Gawaarida iyo sidoo kale iyagoo si xowli ah u wada baabuurta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.