Wariye Jamaal muxuu ku sifeeyay Doorashada Soomaliya.?(Maqal)

Wariye Jamaal Muxumed Cismaan oo ka howlgala Tv-ha chanel 4 Dalka Britain ayaa wax laga weydiiyay doorashooyinka dalka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran.

Jamaal waxa uu sheegay waxa dhacaya in doorasho aanan lagu sheegi Karin oo ay yihiin xulasho.

Xulashada socota ayuu sheegay qudheeda inaysan xalaal ahayn oo lacago adag wax lagu xulanayo.

Wadamada buunbuuniyaa dimuqraadiyada ayuu sheegay in dadkoodu aysan dooran qof bulshada sumcad xun ku dhex leh balse Soomaaliya aanan la is weydiin sifaha wanaagsan oo ay leeyihiin dadka tartamaya.

Aniga markaan fiirayo madaxda Soomaalida tartamaya kuma jiro hal nin oo aan ku aamini lahaa neef ari ah”ayuu yiri Jamaal.

Jamaal waxa uu dhaliilay warbaahinta Soomaalida oo ka gaabisay in umada ukala qeexaan waxa ay yihiin hoggaamiyayaasha Soomalida iyo kuwa xildoonka ah ee huwan taariikhda madow.

Wariye Jamaal Waxaa uu soo hadal qaaday ammaanka Muqdisho waxaana uu sheegay in ammaanka yahay mid aanan wanaagsanayn cabsi badana ay jirto.

Qof shisheeyaha magan u ah ayuu sheegay inuusan ahayn qof xur ah oo madax bannaan kana shaqeeya danno Soomaalieed.

Shisheeyaha ayuu Jamaal sheegay in raad weyn ay ku leeyihiin Doorashada iyaguna ay yihiin kuwa isku haysta Doorashada.

Imaaraadka ayuu sheegay inay wataan siyaasiyiin Halka Dowlada Itoobiyana ay wadato Xasan Sheekh.

Qurba joogta xil doonka ah ee dalka kusoo qulqulaya ayaa la weydiiyay Jamaal.

 

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Jamaal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.