Weerar ka dhacay Masar iyo dad Nasaaro ah oo ku dhintay burbur kaniisad dalka Nayjeeriya.
Magaalada Al-Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray Kaniisad magaaladaas ay ku leeyihiin Qibdhiyiinta Nasaarada ah ee dega dalkaas.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan islamarkaana jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Alqaahira ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac uu sababay.
Telefeshinka Masaarida ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 20 Ruux halka 35 kalena ay dhaawacmeen, waxaana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ay marti geliso magaalada Al-Qaahira caasimadda wadanka Masar.
Dhanka kale dalka Nayjeeriya wararka ka imaanaya waxay tibaaxayaan in kaniisad soo duntay ay ku baaba’een Nasaaro ku sugnaa gudaha kaniisadda.
Kaniisadda soo duntay oo ah mid weyn islamarkaana ay ku dhex cibaadeysanaayeen dad Nasaaro ah ayaa waxaa ku dhintay 160 Ruux oo Nasaaro ah.
Ma jiro war kasoo baxay dowladda Nayjeeriya oo ku aadan sababta rasmiga ee ka dambeysa soo dumitaanka Kaniisadda laakiin waxaa laga yaabaa in dhismaha kaniisadda uu ahaa mid liitay taasna ay keentay iney soo dunto.
Al xamdulilaahi rabilcaalmiin.