Xarakada Alshabaab oo Howlgal gaar ah ku qabatay Askari udhashay Ugandha.

Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa idaacada Alfurqaan uxaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ciidamada Dowladda Ugandha ee ku sugan Soomaaliya.

Howlgal ka dhacay shabeelaha Hoose oo aan la faafaahin sida uu udhacay ayay Alshabaab ugu suurtagashay inay ku qabteen askari udhashay dalka Ugandha.

Askariga ugacan galay Alshabaab ayaa watay hubkiisa.

Dowladda Ugandha wali kama hadlin sheegashada xarakada Alshabaab oo dagaal adag kula jirta dowlado shisheeye oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Askarigaan waxa uu ku biirayaa maxaabiis badan oo xarakada ay ku qabteen saaxaadka dagaalka Soomaaliya.

Wixii Warkaan kusoo kordha waannu soo gudbin doonaa inshaa allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.