Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegtay dilka Agaasimaha madaxtooyada Boosaaso.

bastoolad

Rag hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ku toogteen Sarkaal sare oo katirsan maamul goboleedka Puntland ee gacan saarka la leh dowladda Itoobiya.

Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Aadan Gaas wuxuuna ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada magaalada Boosaaso.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkan sare.

Waa sarkaalkii labaad oo muda isbuuc ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku disho magaalada Boosaaso, waxaana sarkaalka maanta la dilay ka horeeyay taliye ku xigeenkii guud ee Booliiska Puntaland Jaamac Saxardiid oo dharaar cad lagu toogtay magaalada Boosaaso.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.