34 ruux oo indhaha loogu fiiqay Shabeelaha Dhexe.(Maqal)
Dhaqaatiir ka tirsan jimciyada samafalka Al-ixsaan Alkhayriyaha oo hoostagta xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku sugan Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Dhaqaatiirta ayaa indhaha ufiiqay 34 ruux oo isugu jiray rag iyo haween.
Howshaan oo lagu qabtay Magaalada Ganboole ee shaeelaha Dhexe waxaa soo dhaweeyay dadka ka faa’ideystay indho fiiqista oo ahayd mid lacag la’aan ah.
Halkan Ka Dhageyso Dadka indhaha loo fiiqay.
Jimciyada Al-ixsaan Alkhayriyah ayaa horay howshaan oo kale ka fulisay Gobalada Hiiraan,Galgaduud,Mudug iyo Shabeelaha dhexe.