Banaanbaxyo ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Yahuudda oo ka dhcay magaalada Talla’biib.

Wararka ka imaanaya magaala madaxda maamulka Yahuudda Talla’biib ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen magaalada, kuwaas oo looga soo horjeedo Ra’iisul wasaaraha maamulkaas Bin Yamin Natanyahu.

Bin Yamin Natanyahu ayaa waxaa ku socoda baaritaanno ay Booliisku ku sameynayaan kadib markii lagu eedayay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Natanyahu ayaa lagu eedayay in uu khadka teleefanka kula xiriiray ninka iska leh wargeyska afka dheer ee Yadiicoot Axranoot, islamarkaana uu ka codsaday in laga daayo warbixinada isaga lagu dhalleecaynayo, taas bedelkeedana uu xiri doono wargeys tartan kula jiro joornaalka Yadiicoot Axranoot.

Booliiska ayaa gacanta ku haya codka Natanyahu iyo madaxa wargeyska Yadiicoot oo wada hadlaya.

Dadka banaanbaxyada isugu yimid ee ka dhacay Talla’biib waxay dalbanayeen in Ra’iisul Wasaare Natanyahu isaga dego xilka madaxtinimada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.