Booliiska Shiinaha oo dilay Saddex Ruux oo katirsan Muslimiinta Ayghoor.

Muslimiinta ku dhaqan Turkistaanta bari ee Shiinuhu gumeysto ayaa la kulmaya tacadiyaad xoogan oo uga imaanaya Xukuumadda Shiinaha iyo maamulada hoosyimaada ee ka dhisan dhulka Turkistaan.
Tacadiyaadkan oo noocyo kala duwan ah oo isugu jira dil, toogasho, dhac iyo noocyo kale ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhayay, waxaana dhanka kale dhalinyaro katirsan Muslimiintu wadaan howlgallo kaligii duulnimo ah oo ay isaga difaacayaan Xukuumadda Shiinaha.
Sida ay shaaciyeen warbaahinta maxalliga ah ee ka howlgala gobolka Shiinuhu ugu yeera Shinjiyang ee Muslimiinta xooga looga heysto, Ciidamada Booliiska ayaa dilay saddex Ruux oo Muslimiin ah oo ku dhaqnaa gobolkaas.
Booliiska ayaa sheegay in ragga ay dileen ay ahaayeen kuwa hubeysan, islamarkaana mudooyinkii dambe ay ku daba joogeen Booliiska, maantana ay suuragashey iney dilaan.
Xukuumadda maxalliga ah ee gobolka Shinjiyang ayaa ku eedeysay Muslimiinta gobolka Turkistaan iney u sacyinayaan dhisida dowlad Islaami ah oo wadata magaca Turkistaanta bari.