Ciidamada Yahuudda oo weerar ku qaaday deegaan katirsan dhulka ay xooga ku heystaan.
Wararka ka imaanaya dhulka Filastiin ee Yahuuddu xooga ku heystaan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Booliiska Yahuudda ay saaka weerar ku qaadeen deegaan ay deganyihiin dadka Muslimiinta ee Filastiiniyiinta ah.
Kumanaan Askari oo katirsan Booliiska ayaa waaberigii hore ee maanta waxay go’doon adag kusoo rogeen magaalada Umul Xeyraan ee gobolka Al-Naqab, iyagoona isku dayay iney xoog ku galaan.
Sida ay sheegayaan warbaahinta ay Wariyaashu ka joogaan magaalada Umul Xayraan, ciidamada Yahuudda ayaa doonaya in magaaladan ay ka barakiciyaan Muslimiinta degan islamarkaana ay dejiyaan muwaadiniin Yahuud ah.
Ruux Filastiini ah ayaa ku shahiiday iska hor imaadyo dhexmaray dadka Muslimiinta iyo ciidamada Yahuudda, waxaana Booliisku sheegeen in qofka ay dileen uu doonayay inuu gaarigiisa jiirsiyo ciidamo katirsan Booliiska.
Askari Yahuudi ah ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaadyadaas uu ku dhintay, waxana sidoo kale dhaawacya sawir qaade katirsan tvga Aljazeera laantiisa Afka carabiga.