Ciidamada Yamaniyiinta oo la wareegay Mucaskar Istiraatiiji ah.

Dagaallo faraha looga gubtay oo dhexmaray malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya kuwa Cali Cabdalla Saalax iyo ciidamada xukuumadda uu hogaamiyo Haadi Mansuur ayaa ka dhacay gobolka Ticiz, waxaana lasoo sheegayaa in horumaro ballaaran ay ka gaareen dagaalladaas ciidamada dowladda.

Dagaallada oo ahaa kuwa maalmihii lasoo dhaafeyba si aad ah u socoday islamarkaana goos goos ahaa ayaa waxaa ugu suuragashay ciidamada xukuumadda Haadi iney la wareegaan mucaskar Istiraatiiji ah oo ay horey gacanta ugu hayeen malleeshiyaadka Shiicada, kaas oo lagu magacaabo Al-Cumri.

Ciidamada xukuumadda Yaman ayaa taageero dhanka cirka ah waxay kaa helayeen diyaaradaha Nidaamka Aala-Sucuud iyo kuwa Carbeed ee duqeymaha joogtada ah ka wada dalka Yaman, waxaana mucaskarkan uu kamid yahay xerooyinka milliteri ee ku yaala mandiqadda koonfur galbeed Yaman, waxaana uu kaabiga ku hayaa marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab.

Dhanka kale gobolka Shabwah ayaa waxaa laga soo sheegayaa dagaallo xoogan oo dhexmaray Xuuthiyiinta iyo kuwa dowladda Haadi.

Degmada Biixaan oo ah magaalo marti gelineysa dagaallo kulul ayaa lasoo sheegayaa in dagaal shalay ka dhacay lagu dilay 15 Askari oo katirsan Xuuthiyiinta, laguna soo qabtay Saddex kale, kadib dagaal adag oo dhacay.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa maamula magaalooyin waaweyn oo muhiim ah oo ay ku jirto caasimadda dalkaas ee Sancaa, waxaana ciidamada Xukuumadda Yaman lagu eedayaa ineysan ka go’neyn dagaalka ay kula jirto shiicada Xuuthiyiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.