Ciidamo Ameerikaan ah oo la geeyay gobolka Helmand ee dalka Afqaanistaan.

War kasoo baxay ciidamada Marenezka Maraykanka ayaa lagu sheegay in boqolaal katirsan ciidamadooda la geeyay gobolka Helmand ee dhaca koonfur galbeed dalka Afqaanistaan, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo xoogan oo u dhexeeya Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan iyo kuwa xukuumadda Kaabul.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya xilliga Guga lageyn doono gobolka ciidamo gaaraya 300 Askari oo katirsan kuwa Maranezka, si ay garab istaag iyo taageeraba usiiyaan ciidamada Xukuumadda Kaabul oo si ba’an loogu jabiyay dagaallada.

Bayaanka kasoo baxay Ciidanka Maraykanka waxaa lagu sheegay in howsah ciidamadan aysan noqon doonin dagaal toos ah oo ay la galaan Mujaahidiinta Dhaalibaan, balse tababaro iyo talooyin ay siin doonaan oo kaliya saraakiisha sar sare ee milliteriga iyo Booliiska Xukuumadda Kaabul.

Gobolka Helmand ayaa wixii ka dambeeyay 2001 illaa laga soo gaaro sanadkii 2014 oo ciidamada Maraykanku kasoo guureen gobolkaas ayaa marti geliyay dagaallo kulul oo lagu dhiig bixiyay ciidanka Maraykanka, waxaana ku laabashadooda ay daliil u tahay fashilka Istiraatiijiyad dagaaleedka uu Obama adeegsaday.

Waxayna sidoo kale mar kale ay horudhac u noqoneysaa dagaallo fool ka fool ah oo dhexmara Mujaahidiinta Imaarada iyo ciidamada Maraykanka taas oo horseedi doonta dhimashada Askar hor leh oo Ameerikaan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.