Dagaal culus oo ka dhacay Deegaanka Buurane ee Shabeelaha Dhexe.
wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in dagaal xoog leh uu xalay ka qarxay deegaan katirsan gobalka shabeelaha dhexe.
ciidamada Alshabaab oo adeegsanaya gawaarida dagaalka ayaa udaatay saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Buurane oo hoostaga magaalada Mahadaay ee shabeelaha dhexe.
dagaalka xalay ayaa ku soo aaday xili ciidamada Burundi ay yihiin kuwa niyad jabsan madaxdooduna ay sheegeen in ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya.
lama helin faafaahin ku aadan qasaaraha dagaalka dhinacyada dagaalamayna wali kama hadlin dagaalka.