Donald Trump oo ku hanjabay inuu baaba’in doono Islaamka!!

Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa kalimaadkii ugu horeeyay ee uu jeediyay tan iyo markii uu la wareegay hogaaminta Maraykanka, wuxuu hanjabaad cad ugu diray dadka Muslimiinta ah oo uu ku tilmaamay Argagaxiso.

Kalimad uu ka hor jeediyay 400 Ruux oo kamid ah shaqaalaha Sirdoonka CIA-da ayuu Tramp ballan qaaday inuu ka takhalusi doono Islaamka Argagaxisida ah, islamarkaana uu taas xooga saari doono.

Donald Trump ayaa sheegay in fatradii maamul ee isaga ka horeyaysay aysan dowlada Maraykanku wax faa’idin. Balse isagu uu ku dadaali doono sidii ay u guuleysan lahaayeen, waxaana hadalkaas dad badani ka fahmeen sii kordhinta boobka Maraykanku uu ku hayo wadamad Muslimiinta Caalamka.

CIA-da ayuu u ballan qaaday inuu taageero dheeraad ah siin doonno, islamarkaana u kaashan dooono sidii ay uga takhalusi lahaayeen Muslimiinta.

Warkan saraaxada ah ee uu ku dhawaaqay Trump ayaa ka duwan hadaladii hore ee uu Obama jeedin jiray, waxaana labada nin inkastoo ay ka simanyihiin cadaawada Muslimiinta ay hadana ku kala duwanyihiin Usluubka ay adeegsnayaan.

Obama wuxuu adeegsan jiray siyaasadda hurdiisinta, isagoona siri jiray malaayiin Muslimiin ah, dagaalka uu ku jirana wuxuu ka dhigi jiray in koox gooni ah uu kula jiro, halka Trump uu warkiisu cadyahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.