Dowladda Maraykanka ayaa ku goodisay in goobo aamin ah ay ka sameyn doonto dalka Suuriya.
Maamulka cusub ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump uu qorsheynayo in goobo aamin ah islamarkaana ka mamnuuc ah isticmaalka diyaaradaha dagaalka uu ka sameeyo dalka Suuriya.
Sida uu baahiyay Joornaal caan ah oo kasoo baxa dalka Maraykanka laguna magacaabo World Street Jornal oo soo xiganaya saraakiil ku dhow Trump, wuxuu madaxweynuhu amar kusiiyay wasaaradaha dibadda iyo mida dagaalka iney dejiyeen qorshe dhul aamin ka ah duqeymaha looga sameyn lahaa dalka Suuriya.
Tallaabadan oo ah mid ay uu ku fashilmay maamulkii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa haddii uu ku guuleysto Trump waxay ka dhigantahay tallaabo hor leh oo uu Trump fuliyo.
Donald Trump ayaa la sheegay in tallaabadan uu ku doonayo inuu ku yareeyo qoxootiga Suuriya kasoo barakacay ee dalkiisa imaanaya, taas bedelkeedana ay dhul aamin ah ku helaan dalka Suuriya.
Waxaa sidoo kale qorshahan la dhacsan maamulka cilmaaniga Turkiga ee uu hogaamiyo Rajab Dhayib Ordogan.
Dowladda Ruushka ayaa muujisay sida ay kaga soo horjeedo tallaabadan, waxaana ay ka digtay in Trump uu ka dhabeeyo tallaabadaas.