Dowladda Maraykanka oo cunaqabateyntii dhaqaale ka qaaday dalka Suudaan.

Dalka Suudaan ee muslimka ah waxaa labaatan sano oo xiriir ah saarnaa cunaqabateyn dhanka dhaqaala ah oo ay kusoo rogtay dowladda Maraykanka oo kamid ah dowladaha ugu dulmiga badan caalamka.

Cunaqabteyntaas lagu soo rogay waxaa ugu wacanaa in dalka Suudaan uu marti geliyay Sheekh Usaama bin laadin hogaamiyihii hore ee Alqaacida iyo saraakiil sar sare oo katirsan Mujaahidiinta, waxaana arinkaas ka carooday dowladda Maraykanka.

Inkastoo dowladda Maraykanka ay ku andocooneysay in Xukuumadda Suudaan aysan dhowrin xuquuqul Insaanka islamarkaana ay ku kacday dembiyo dagaal ayaa hadana cunaqabateyntaas waxay ahayd mid saameyn ballaaran ku keentay guud ahaan shacabka Muslimka ah.

War kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee dalka Maraykanka Brack Obama islamarkaana uu baahiyay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in qeyb kamid ah cunaqabateyntii dhaqaanle ee saarneyd dalka Suudaan laga qaaday.

Obama ayaa go’aanka uu qaatay wuxuu u diray Aqalka Congreska oo la filayo in iyaguna ansxiyaan.

Dowladda Suudaan ayaa soo dhaweysay tallaabadan waxaana ay sheegtay iney ka qeyb qaadaneyso in xiriirka labada dal uu soo kobco.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.