Dowladda Maraykanka oo xabsiga Guwantanamo kasii deysay Toban Maxbuus.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay ee dalka Maraykanka Brack Obama ayaa doonaya in inta badan maxaabiista ku xiran xabsiga Guwantanamo uu ka saaro, islamarkaana uu ku wareejiyo dalal kale.

Maalmo yar un kadib oo ay ka harsantahay in Donald Trump la wareego xilka madaxtinimada Maraykanka ayuu Brack Obama wuxuu xabsiga Guwantanamo kasii daayay Toban ruux oo kamid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsigaas, isagoona ku wareejiyay dowladda Cummaan.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka boqortooyada Cummaan ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanka ay kusoo wareejisay Toban Maxbuus, islamarkaana maanta oo Isniin ah ay soo gaareen magaalada Masqadh ee ah caasimadda dalka Cummaan.

Dowladda Cummaan faafaahin kama bixin magacyada Tobankaas Ruux iyo weliba dalalka ay kasoo jeedaan, waxaana sida ay sheegtay wasaaradu ay waqti cayiman sii joogi doonaan dalka Cummaan, iyadoona la ogeyn halka ay kasii aadi doonaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donalad Trump ayaa kasoo horjeestay qorshaha uu Obama ku doonayo in xabsiga uu kaga sii daayo maxaabiista, waxaana uu ku tilmaamay dadka xabsigaas ku xiran iney yihiin kuwa halis ku ah amniga Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.