Hogaamiyaha Xuuthiyiinta oo taageeriyaashiisa ugu baaqay iney dagaalka Yaman sii xoojiyaan.
Iyadoo dhawaanahan ay aad usii kordheen weerarada nidaamka Aala-Sucuud uu ku qaadayo fariisimaha Xuuthiyiintu ku leeyihiin gobollada kala duwan ee dalka Yaman, ayaa waxaa la dareemayaa in Xuuthiyiintu quus soo wajahday.
Kalimad muuqaal ah oo lagu baahiyay tvga Al-Masiira ee hoostaga malleeshiyada Xuuthiyiinta islamarkaana uu jeedinayo hogaamiyaha malleeshiyada Xuuthiyiinta Cabdil Malik Al-Xuuthi ayaa taageeriyaashiisa wuxuu ugu baaqay iney dagaalamaan.
Cabdil Malik oo wajigiisa laga dheehan karo wal walka iyo cabsida ka muuqata, iyo waliba culeesyada uu Nidaamka Aala-Sucuud kusoo rogay ayaa ugu baaqay malleeshiyaadkiisa iney dagaallamaan illaa ay geeriyoodaan.
Wuxuu sheegay in Nidaamka Aala-Sucuud hadafka uu ka leeyahay sii kordhinta duqeymaha uu ka fulinayo Yaman ay tahay mid uu ku raalli gelinayo maamulka cusub ee dalka Maraykanka.
Dagaalka ka socoda dalka Yaman ayaa sii xoogeystay, waxaana muuqaneysa inuu dhamaaday samirka malleeshiyaadka Xuuthiyiinta,waxaana dowladaha Carabta ay sii kordhiyeen duqeymaha ay ku garaacayaan goobaha ay ku suganyihiin malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.